Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowlada oo Maanta La Wareegay Gacan Ku Heynta Airporka Magalada Dhuusamareeb

0
37

Saakay Waaberigii hore ayaa waxaa Garoonka diyaaradha Magalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ka degtay Diyaarad siday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho.

Ciidamada oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee dowladda Federaalka ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen Ammaanka Garoonka diyaaradaha oo ay horay ugu sugnayeen Ciidamo ka tirsan kuwa DANAB iyo Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadaan ayaa waxaa la sheegay inay xoojinayaan Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la filayo in maalmaha soo socda ay tagaan wufuud kala duwan oo ka qeyb galeysa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo dhawaan halkaasi ka furmaya.