Axmed Madoobe oo Maanta Xafiiskiisa Kula Kulmay Musharixiintii Kursiga Kula Tartamaysay

0
31

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland ee dhawaan la doortey Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Musharaxiintii ka qayb-galay Doorashada Madaxtinimada Jubbaland 22 Bishan Ogoosto.

Madaxweynaha ayaa musharaxiinta ka dhagaystay aragtidooda iyo wixii fikir ah oo ay ku biirinayaan Geedi socodka Jubbaland ee dhamaan dhinacyada ay khibradaha u leeyahiin.

Musharaxiinta ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay marti qaadka uu ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada iyagoo sheegay in ay la shaqayn doonan Xukuumadda Cusub ee uu hogaamin doono Madaxweynaha dib loo doortay Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhanka kale waxaa weli qeybo ka mid ah magalada kismaanyo ku sugan kooxo kasoo horjeeday daarashada ka dhacday magalada kismaano kuwaasoo gacansaar la leh dowlada dhexe oo sheegtey ineysan aqoonsaneyn doorashada.