Aminiga Guud ee Magalada Dhuusamareeb oo Maanta Lagu Wareejiyey Ciidanka Dowlada

0
28

Maanta oo Jimco ayaa si rasmi ah waxaa Dowladda Soomaaliya loogu wareejiyay mas’uuliyadda Amniga Guud ee Magalada Dhuusa-Mareeb.

Goobta wareejinta oo aheyd Xarunta ay Dhuusa-Mareeb ka degan yihiin Xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga  Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi  Maxamed Sabriye, taliyeyaasha ciidamada iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo  mas’uuliyiin kale.

Sheekh Shaakir  oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in guud  ahaan mas’uuliyadda Amniga Dhuusa-Mareeb ay ku wareejiyeen Dowladda  Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay qaado.

Waxaa uu intaa ku daray in dhamaan ciidamada kala duwan  ee ku sugan gudaha magaalada Dhuusa-Mareeb loo saari doonaa bannaanka  magaalada, islamarkaana  Amniga Gudaha  ay la wareegi doonaan  ciidamo  gaar ah oo dowlada  DFS u diyaarisay.