Gudoomiyihii Gobolka banaadir oo Maanta Ku Geeryooday Cisbitaalka Ku Yaala Magalada Doxa

0
54

Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Qatar, sida ay xaqiijisay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaradaha Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Allaha u naxaristo, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qarax ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir maalintii Arbacadda ee toddobaadkii hore.