Maamulka Puntland oo Xukumada Ku Eedeeyey Faragelinta ay Ku Heyso Maamul Goboleedyada

0
39

Maamulka Puntland ayaa eedeymo culus usoo jeediyay dowladda federaalka, iyada oo warsaxaafadeed maamulka ka soo baxay lagu sheegay inay ka walwalsan yihiin hab dhaqanka madaxda dowladda federaalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hab-dhaqanka madaxda dowladda uu curyaaminayo dowladnimo dalka ka hirgasha.

Warsaxaafadeedka ayaa inta ku daray ” Madaxda xukuumadda federaalku waxay hareermareen hab qaybsiga deeqaha caalamku ku bixiyaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhismaha dowladnimo, ayagoo si bareer ah ugu adeegsada qoonsada deeqaha inay ku burbutiyaan maamullada, dalkana kaga abuuraan xasillooni darro si ay u gaaraan dano gaaban oo ku aaddan doorashooyinka 2020-2021.”

Puntland waxaa ay dowladda federaalka ugu baaqday inay si deg deg ah u joojiyaan wax lagu sheegay ‘farogalinta qaawan ee ay ku hayaan geeddi socodka doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland iyo waliba falalka xasilooni darrada abuuraya ‘