Dhismaha Wadada Isku Xirta Afgoye iyo Xamar oo Maanta Bilaabatay

0
101

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta billowday dhismaha waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dhimsha waddada ayaa waxaa maalgelinaya dowladda Qadar, iyada oo dadweynaha deegaanka iyo gaadiid layda ay soo dhaweeyaan tallaabada dib loogu dhisayo waddada oo muhiim u ah isku xirka caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha hoose.

Waxaa la xiray saaka qeybo ka mid ah wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye iyadoo gaadiidka ay marayeen waddo wareeg ah.

18kii bishii Februay ee sanadkan ayaa dhismaha waddada waxaa dhagax dhiggay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehliyeen Masuuliyiinta Hirshabeelle iyo Koofur-galbeed ayaa dhagax dhigey dhismaha waddooyinkan inkasta oo tan iyo xilligaas aan la billaaban.

Mashruucan dhismayaasha waddooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa ku baxaya $200 milyan oo doollarka Mareykanka ah