Alshabab o Maanta Laga Saaray Deeganada Leego iyo Yaaqbiriweyne

0
245

Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ku dhawaad 15 ka tirsan Al–habaab ayna ka gubeen gaadiid ay wateen sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Howlgalkaan ay Ciidamadu ku qaadeen deegaanno iyo Tuulooyin u dhaxeeya degmada Walaweyn iyo deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa uu daba scodaa howlgalo looga safeynayo alshabab gobolka shabelaha hoose.

Waxaa horey Alshabab looga saaray deegaano badan oo ka tirsan gobolka shabelaha hoose taasoo tii ugu dambeysay ay eheyd ka saaritaanka laga saarey deegaanka Sabiib iyo Caanoole oo aan sidaa uga fogeyn halka maanta lagala wareegay.