Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Cambaareeyey Weerarkii Shalay Ka Dhacay Magalada Kismaanyo

0
33

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si xoogan u cambaareeyey weerarkii Al-Shabaab shalay gelinkii dambe ay ku qaadeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Guterres ayaa Tacsi u diraty Ehellada ay dadkoodu ku geeriyoodeen weerarkaasi, isaga oo kuwa dhaawaca soo gaaray u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale wuxuu weerarkan ku tilmaaamay mid baahalnimo ah oo lagu laayey dad aan waxba galabsan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa intaasi raaciyey inay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.