Reysulwasaaraha oo Sheegay Halka Lagu Qaban Doono Kulanka Dib u Heshiisiinta Maamulka Galmudug

0
42

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in magadalada dhuusamareeb ay soo buuxisay dhamaan shuruuddii ku xirnaya in magaaladu marti geliso gogoshaan muhiimka ah.

Reysulwasaaraha ayaa uga mahadceliyay madaxa fulinta Galmudug aqbalaadiisa ku aaddan in ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka howl galaan magaalada Dhuusamareeb si ay awood ugu yeelato marti gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed.