Resulwasaare Kheyre oo Maanta Magalada Caabudwaaq Kula Kulmay Kheybaha Kala Gedisan ee Ururada Bulshada

0
89

Ra’iisal Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabud-Waaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada.

Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in adeegyada bulshada ay daadejiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo maamul gobaleedyada.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday bulshada ku nool Caabud- Waaq in dowrka uga aadan ay ka qaataan taaba gelinta doorashooyinka Galmudug iyo isu-dumidda bulshada si loo helo Galmudug nabad ah, wadajirta, lehna maamul loo dhanyahay.