Xaalada Degmada Walaweyn oo Maanta Degen Ayadoo ay Weli Is Hor Fadhiyaan Ciidamadii Halkaasi Ku Dagaalamay

0
44

Xaalad deganaansho ah ayaa saakay laga dareemayaa degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo kasoo jeeda ha beel, kuwaas oo isku-heystay Goob isbaaro ah oo ku taalla degmadaas, waxaana dagaalkaas ku geeriyooday 6 ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka saakay la helayo ayaa waxaa ay sheegayan in xaaladu ay degan tahay, hayeeshee weli maleeshiyaadkii dagaalamay ay ishor-fadhiyaan, isla markaana mar walba la filan karo in uu dagaal dhaco.

Ma aha markii ugu horeysey oo ay isku dhacayaan maleeshiyaadkan kasoo jeeda hasha beel dhowr jeer oo hore ayey sidan oo kale isugu dheceen ayadoo isku dhacaasina sabab u eheyn bar kontarool oo taala gudaha magalada.