Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo Ka Tacsiyeey Geeridii Ku Timid Malaaq Amiin Sheikh

0
55

Dhamaan odayaasha dhaqanka koonfur galbeed waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryoodey alaha u naxariistee Malaaq Amiin Sheikh Abdulbaari oo maalintii shaley ku geeryooday magaalada muqdisho.

Malaaq Amiin Sheikh Abdulbaari ayaa wuxuu ahaa malaaqa beesha Eemid isla markaana wuxuu ka mid ahaa 135 saxiixayaasha.

Odayasha dhaqanka koonfur galbeed waxaa ay leeyihiin ilaahey ha u naxariisto samir iyo imaana ilaahey ha inaga wada siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ilaahey haka siiyo qabrigiisa waasac ilaahey ha uga dhigo janadii fardowsana ilaahey haka waraabiyo Amiin Amiin.