Dowlada Somaliya oo Jawaab Ka Bixisay Warbixin Kusoo Baxday Wargeyska Standard ee Kasoo baxa Dalka Kenya

0
259

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid warbixin uu qoray wargeyska ka soo baxa Kenya ugana hadlayey deegaannadii laga sahmiyay shidaal inay dowladda Soomaaliya ku soo darsatay deegaanno ka tirsan Kenya.

Wargeyska warkan qorey ee Standard ayaa warbixintiisa ciiwaan uga dhigay ‘Soomaaliya oo iibinaysa saliidda Lamu’ iyadoo marka uu wargeyska sheegay inuu arkay Dukumiinti magaciisu yahay ‘Offshore Somalia 2019’ oo laga soo daayay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya oo muujinaya xirmooyin saliidda Lamu ah oo qayb ka ah kuwa ay dowladda Soomaaliya usoo bandhigtay maalgashadayaasha.

Balse, wargeyska kuma uusan soo bandhigin warbixinta Dukumiintiga uu sheegay inuu arkay ee muujinaya dowladda Soomaaliya inay dhul ay leedahay Kenya ku darsatay warbixintii sahanka ee loo soo bandhigay maalgashadayaasha.

Cabdulqaadir Abiikar oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya , oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warka uu baahiyay wargeyska Standard ee uu ku sheegay xirmooyin saliidda Lamu inay dowladda Soomaaliya ku soo dartay sahankii la sameeyay.

Sheegashada Kenya ee ku aaddan dowladda Soomaaliya inay warbixinteeda sahanka ku soo darsatay dhul ay leedahay Kenya, waxaa horey u beenisay Spectrum oo ah shirkaddii sameysay sahanka shidaalka Soomaaliya , waxaa kalo ay marka caddeysay shirkadda inaysan wax baaritaan ah ka sameyn aagga hadda kiiskiisu yaallo maxkamadda dambiyada caalamiga ah.