Kulan u Dhexeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Xukuumada Federaalka oo Maanta Ka Furmay Magalada Garoowe

0
33

Shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Kulankani ayaa waxaa shir gudoominayana madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed, Jubbaland iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa warar horudhac ah oo laga helay waxaa ay sheegayaan in looga hadlayo qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto.

Ilaa hadda ma cadda muddada uu shirka soconayo,balse wuxuu ku soo aaddaya xilli isfahan-waa xooggan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.