Alshabab oo Xalay Weerar Kusoo Qaaday Fariisimo Ay Ciidamada Dowlada Dhawaan Ka Sameysteen Deegaanka Bariire

0
204

Ciidamada dowlada iyo dagaalyahano ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa habeenkii xalay ku dagaallamay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa ka billowday kadib kolkii saqdii dhexe ee xalay ay ciidamada alshabab weerar kusoo qaadeen fariisimo ay ciidammada dowlada ka sameysteen deegaanka Bariire ,halkaasoo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidammada dowladda.

War laga helay saraakiisha milateriga dowladda ayaa lagu sheegay inay ciidanka dowladda iska caabiyeen weerar al-Shabaab ku soo qaadeen, ayna dib u celiyeen.

Dhawaan ayey aheyd kolkii ciidamada dowlada ay kala wareegeen alshabab deegaanka bariire ee gobolka shabelaha hoose taasoo alshabab aysan weli ka quursan wareegitaanka lagala wareegay deegaanka.