Kulankii Ay Ku Balansanaayeen Maamul Goboleeyada iyo Xukuumada oo Dib u Dhac ku Yimid

0
32

Kulan u dhexeeya maamul goboleedyada iyo xukuumada oo maanta ka furmi lahaa magalada Garoowe oo dib u dhac ku yimid kadib kolkii xukuumada iyo masuuliyiinta maamul goboleedyada ay weli isku fahmi la yihiin qodoba shirka.

Magaalada Garoowe ayaa maalintii shalay gaaray wafdi ka socday madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo loogu tala galay iney sii gobol xaaraan kulankan u dhexeeya masuuliyiinta maamul goboleedyada iyo xikuumada.

Warar hoose oo soo baxay ayaaa sheegaya in beesha caalamku xoogga ku saareyso madaxda ugu sareysa dalka ka qeyb galka shirka, xilli ay jirtay in dhowr mar Madaxweyne Farmaajo shir wadatashi ah uu ugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada ay ka baaqsadeen.

Maalinta Sabtida ah ayaa ugu danbeyn la filayaa in shirku ka furmo magaalada Garoowe oo intiisa badan looga hadli doono xalinta khilaafka maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe.