Wasiirka Warfaafinta oo Is Casiley

0
43

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo m aanta la hadley idaacada VOA ayaa sheegay in uu iska casiley xilkii uu u hayey xukuumada uu Kheyre ka yahay Reysulwasaaraha.

Wasiirka ayaa sheegay sababta uu isku casilay in ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegey in 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago.

Go’aanka uu qaatay ayuu sheegay inuu yahay mid aan deg deg ahayn, balse uu muddo ku taamayey.