Dhegeyso Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Shir Ugu Baaqey Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Xukuumada

0
76

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa shir wadatasho ah isugu yeeray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada shirkaas oo ka dhici doona Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Garoowe ayaa sheegay in shirkaas uu dhici doono 2-da bisha May,isla markaan aay isugu imaan doonaan Madaxda ugu sareysa dalka,sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Maamul goboleedyada.