Madaxweyha Dowlada Federaalka Somaliya oo Qahira Kula Kulmay Madaxweynihii Hore

0
76

Waxaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ku kulmay madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee dalka C/qaasim Salaad Xasan oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku noolaa dalka Masar.

Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo mudooyinkii danbe ku noolaa Dalka Masar.

Kulanka labada madaxweyne ayaa kusoo beegmaya iyadoo culees badan uu heysto dowladda madaxweyne Farmaajo oo aad mucaaradka ay ku dhaliilayaan habka dhaqanka siyaasadeed ee xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay.