Askari Ka Tirsan Ciidanka Boliiiska oo Dilay Wiil Ku Shaqeysanayey Mooto Bajaaj

0
101

Askari ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku sugan isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ahaa oo ku sugnaa halka uu dilka ka dhacayey ayaa sheegay in muran uu dhex maray darawalka bajaaka waday iyo askari ka tirsanaa ciidanka boliska oo jidgooyo taagnaa taasoo markii dambe isku bedeshay in askarigii uu dilo wiilkii bajaajka watey.

Ma jiraan ilaa iyo hada masuuliyiin ka tirsan Booliska Soomaaliya oo arrintan ka hadlay, ayadoo dilalka loo geeysanayo wadeyaasha Mooto bajaajta ay mudooyinkii u danbeeyay ahaayeen kuwo soo badanaya.

Dhawaan ayey eheyd kolkii sidan oo kale wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysaneyey mooto bajaajka uu nin askari ah oo ka tirsan ciidanka bolisska uu xabad ku furey taasoo dhalisay in banaabax weyn uu ka dhoco magalada muqdisho.