Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Ka Qeyb Galay Shirka Bangiga Horumarinta Islaamka oo Ka Dhacay Dalka Marooko

0
348

Wasiirka Maaliyadda Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Horumarinta Islaamka uga socda magaaladda Marrakech ee dalka Morocco.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa intii uu ku sugnaa dalka Marooko waxaa uu wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka Baanka Horumarinta Islaamka iyo wakiillo kale ee ka socday Bankiga Horumarinta Afrika iyo maalgashadayaal daneeya Soomaaliya.

Wasiir bayle ayaa sheegay in kulankaasi la isla soo qaaday sidii dalka somaliya looga taageeri lahaa horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka waxaana uu bogaadiyey oona tageero buuxda u muujiyey dhamaan hey’addaha caalamiga ah iyo bahwadaaagta Soomaaliya kala shaqeynta horumarinta.