Banan Bax Rabshado Wata oo Ka Dhacay Qeybo Ka Mid ah Gobolka Banaadir

0
58

Dad u badan dhalinyaro ayaa waxaa Maanta ay baanbax ka dhigeen qaar ka mid ah Isgoysyada Waaweyn ee Magalada muqdisho, iyaga oo cabasho ka muujinaya Darawal Mooto Bajaajle ah oo la dilay.

Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa agagaarka Isgoyska Dabka waxa uu ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ah,isaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan Darawalada Mooto Bajaajka ayaa markii hore waxa ay ku banaanbaxeyn Isgoyska dabka, hayeeshee Ciidamada Booliska Saldhiga Waaberi ayaa rasaas kusoo kala Eryay.

Goordhow ayaa waxaa ay banaanbax ka bilaabeen Isgoyska ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab, waxaana Wadada bartankeeda ay ku gubeen taayaro Waaweyn.

Qaar ka tirsan askarta ciidanka ayaa mar walba si ula kac ah u dila daka shacabka ah oo aan waxba galabsan ayadoo inta badana aan loo soo qaban dembiga ay galaan askartaas taasi ayaana keenta inta badan in falkan uu soo noqnoqda