Maacaleesh Aan Maanka Jirin Iga Guddooma Intii Dulmiga Ka Dhacay Koonfur Galbeed Ku Taageertay Lafta-gareen Oo Ay Ugu Horeeyaan Cabdixakiin Fiqi, Ilyaas Qalinle Iyo Kuwa Kaloo Badan.

0
74

Cabdixakiin Fiqi, Waxa uu kamid ahaa Siyaasiyiinta sida dhow ula shaqeynayay Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Lafta-gareen balse maanta si xun loogu Bahdilay Safarkii Diinsoor uu ku aaday Lafta-gareen.

Madaxweyne Lafta-gareen, Waxa uu xalay u sheegay sxb-kiisa Fiqi inuu kamid yahay mas’uuliyiinta u raacaya Degmada Diinsoor markuu saaka yimid Airporka Baydhaba ayaa waxaa loo soo diray ninka baratakoolka qaabilsan ee lagu magacaabo Aadan C/naasir, wuxuuna u sheegay Fiqi fariintii uu uga siday Madaxweynaha oo aheyd inuu iska jooga.

Nasiib Xumo Cabdixakiin Fiqi waa uu ka dhega adeegay Fariintii uga timid sxb-kiisa Lafta-gareen, wuuna diiday inuu baaqdo iyadoo markii danbe uu soo wacay Lafta-gareen uuna afcad ugu sheegay inuusan u raaceyn Diinsoor.

Daafeet.com oo isku dayda inay waxbadan ka ogaato Bahdilka lagula kacay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi ayaa waxaa ilo hoose u sheegeen in arrintaa uu ka danbeeyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Badni oo garab ka helaya Xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ah “Fahad Yaasiinka” Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Fiqiyow, Maacaleesh.

Horaa Loo Yiri Abaal Nin Gala Waa La Arkaa Laakiin Nin Gudase Waa Yaryahay.!