Wasiirka Dastuurka DFS oo Kol DHaweyd Ku Geeryooday Isbitaal Ku Yaala Magalada Dubai

0
23

Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Dubai, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaarradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

Wasiirka ayaa muddo dheer ku soo dhax jiray dowladdihii isaga danbeeyay dalka, isaga oo dhowr jeer ka mid noqday golaha xukuumadda.

Wasiirka ayaa waayadan dambe ka shaqeynayay dhameystirka Dastuurka, waxaana uu wadday kulamo kala duwan iyo shirar lala yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada.