Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Ka Hadley Kulankii Madaxweynaha Somaliya iyo Kenya

0
31

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay pegkiisa Facebookga, waxaa uu ku muujiyay in dowladda Soomaaliya ay ka tanaasushay xiisadii Kenya iyo Somalia.

Qoraalka Xildhibaan Dalxa ayaa wuxuu ku muujiyay in Markii hore Badda Somalia la geliyay Shaki weyn, taasi oo Keentay in Kenya ay mararka qaar ay cuskato heshiis loo saxiixay xiligii dowladii KMG aheyd.

Wuxuu sidoo kale sheegay in horaantii Bishii Febraayo ay soo ifbaxday in la xaraashayo Shidaalka Soomaaliya, iyadoo si weyn loo hadal hayay arintaasi.

Dad badan ayaa aamisan in madaxweyne Farmaajo uu sameeyay arin aan ka dhicin caalamka sanadihii ugu dambeeyay, maadaama dal safiirkiisii lasoo eryay ay yartahay in madaxweynihiisa uu tago dalkii laga soo eryay.

Kenya ayaa dhawaan magaalada Nairobi kasoo eriday safiirkii Somalia ee Kenya, waxaana ay la baxday safiirkeedii Muqdisho, iyadoo kadib uu xumaaday xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.