Nin Isku Deyey Inuu Dayaarad Afduubo oo La Diley

0
55

Ciidammada sida khaas ah u tababaran ee Bangladesh ayaa toogasho waxa ay ku dileen Qof Shacab ah oo looga shakiyay in uu doonayay afduubta Diyaarad rakaab ah oo ku wajahneyd Dubai.

Dilka ka hor ayaa la sheegay in qofka Shacabka ah uu ku hanjabay in uu wato bustoolad lana soo baxayo, tas oo keentay inay howlgal ku dilaan Ciidamada sida khaaska ah u tababaran ee dalka Bangladesh.

Diyaaradaas ayaa waxaa laheyd Shirkadda Biman Bangladesh Airlines,waxaan saarnaa 148 ruux oo rakaab ah iyo Shaqaalaha Diyaarada,kuwaas oo si nabad ah ku tagtay Dubai.

Wali ma cadda sababta qofka laga shakisan yahay uu isugu dayay in uu diyaaradda afduubto.,isla markaana ay ciidamada toogtaan.