Dhegeyso: Ciidanka Boliiska oo Sheegay In Rag Loosoo Qabqabtey Dilkii Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

0
41

Taliyaha hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo Warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in laamaha Amniga Soomaaliya ay qabteen laba ruux iyo Gaari ay wateen, kuwaas oo lagu tuhmayo dilka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

Waxa uu sheegay taliyaha in kiiska dilka ah ee loo geystay Xildhibaanka aan intaasi looga hari doonin, isla markaana ragga la hayo baaritaano lagu sameyn doono,sidoo kale kuwo kale oo uu sheegay inay maqan yihiin ay ku raad joogaan.