
Itoobiya ayaa markii ugu horeysay la wareegtay hoggaanka ugu sareeya taliska howlgalka midowga Africa AMISOM.
Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay hoggaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, kaddib munaasabad kooban oo lagu qabtay saldhiga ugu weyn ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.
Waxaa uu xilka kala wareegay Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire oo shaqeynayay tan iyo bishii Janaayo 2018.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in ay tahay Markii ugu horreysay taliye ka socda Ciidanka Itoobiya lagu wareejiyo Hoggaanka Guud ee AMISOM.
Tigabu waxaa uu ciidamada itoobiya ka tirsan-yahay 34 sano wuxuuna ka soo shaqeeyay qeybo kala Duwan oo ciidmada ah oo ay ka mid yihiin Qeybta, Takhaatiirta, Batroolka, iyo Taliyaha Guud.