Alshabab iyo Dacish oo Ku Dagaalamay Deegaano Ka Tirsan Maamulka Puntland

0
100

Wararka ka imanaya magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in uu dagaal qaraar ku dhex maray xoogag ka tirsan Ururrada Al-Shabaab iyo Daacish degaannada Dharaar iyo Miraale, halkaas oo Labada dhinacba uu ka soo gaaray khasaare xooggan.

Taliyihii hore ee laanta sirdoonka Puntland, Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaannadaasi uu jab xooggan ka soo gaaray Labada dhinac, kuna waayeen tiro badan oo dagaalyahanno ah.

Daacish oo layad Gacan ku haynta degaannada lagu dagaallamay ayaa la sheegayaa in ay haatan la wareegeen Al-Shabaab, waloow ay weli is hor fadhiyaan Labada dhinac.

Al-shabaab ayaa horey uga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Daacish oo la sheegay in ay isku hayaan maamulka deegaannada ay ku wada sugan yihiin.