Wasarada Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed oo Markii Ugu Horeysay Dhaliilay shaqooyinka Gudiga Dorashoyinka Qaranka

0
141

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhaliil xoogan loogu jeediyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Warsaxaafadeedka oo uu si toos ah ugu socdo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa lagu sheegay in Guddiga uusan wax xiriir ah la sameyn Wasaaradda xilliyada uu Shaqooyinka ka qabanayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed aysan aqoonsan doonin Shaqooyin kasta oo ay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ka fuliyaan Gudaha deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.