Maddaxweynihii Hore ee Somaliya Sheekh Shariif oo Markii Ugu Horeysay Weerar Afka ah ku Qaaday Xukuumada

0
49

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weerar culus ku qaaday hogaanka dowladda federaalka, oo uu ku sheegay kuwan aan awoodin inay dalka ku hogaamiyaan guulo.

Sheekh Shariif oo madaxweyne ahaa intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2011, ayaa sheegay in hoggaanka hadda haya talada dalka oo aan awoodin inay nabad iyo xasilooni dalka kusoo celiyaan darteed, ay ku qasabtay inuu dib ugu soo laabto siyaasadda.

Wareysi uu siiyey wargeyska The Standard ee Nairobi, ayuu Sheekh ku sheegay in muddo xileedkiisii uu si guul leh u qaaday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, balse waxa uu yiri “Markii aan xafiiska ka tagay, kooxaha xagjiriinta dib ayey usoo laba kacleeyeen”

Waxa uu ballan-qaaday in haddii dib loo doorto uu beesha caalamka ku cadaadin doono inay sare u qaaddo tayada iyo awoodda ciidamada qaranka Soomaaliy.

Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuu aas-aasay xisbi cusub oo loogu magac daray Himilo Qaran, kaasi oo u loolami doona hoggaanka dalka, marka la gaaro doorashooyinka soo socda.

Si kastaba arintu ha ahaatee waa markii ugu horeysey ee uu Sheekh Shariif si cad kaga hor yimaado xukumada ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Xasan Cali kheyre isagoo inta badan ay shacabka ku amaani jireen inuu yahay ruux aan fara gashan siyaasada.