Madaxweynaha Dalka Kenya oo Sharciyo Culus Kusoo Rogey Soomalida Kasoo Galeysa Xududaha Kenya

0
31

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab ee dhex dagaalama gudaha dalka Kenya kaddib markii uu kulan la qaatay hay’addaha Ammaanka dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dowladda Kenya ay sameysay xarun loogu tala galay in lagu Keydiyo dadka soo galiya gudaha Kenya ee ka imaanaya Soomaaliya si aysan ugu soo dhex dhuuman Al-shabaab.

Hay’addaha Ammaanka iyo guddoomiyayaasha gobollada ayuu ku amray in ay fuliyaan howlgallo joogto ah oo lagula dagaallamaayo Al-shabaab.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in haddii ay qabtaan Al-shabaab aysan xiri doonin isagoona sheegay in ay dili doonaan ka dibna ay aasi doonaan.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan Al-Shabaab weerar Khasaare badan dhaliyay ay ku qaadeen Hoteel ku yaalla Magaalada Nairobi,halkaasoo ay ku dileen 21 qof , sidoo kalena ay ku dhaawacmay ku dhawaad 40 qof.