Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Ceyrintii Nicholas Haysom

0
60

Ku xigeenka afhayeenka UN-ka Farhan Haq ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka fiirsanayso cayrinta Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.

Waxaa uu sheegay in ay baaritaano ay ku bilaabeen sababaha keenay in Wakiilka dalka laga soo ceyriyo, waxaana uu walaac ka muujiyay habmaamuuska loo maray eryida Haysom.

Afhayeenka ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ay soo gaartay tilaabada lagu ceyriyay Haysom, ayna kusoo beegan tahay xilli uu si adag u cambaareeyay weerarrada hubeysan ee lala beegsaday shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Xoghayaha Guud uu war soo saari doono Saacaddaha soo socda ka dib markii ay dhameeyaan baaritaanada ku aadan sababaha lagu ceyriyay Haysom iyo habmaamuuska loo maray in Soomaaliya ay wakiilka soo ceyriso.