Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Xildhibaan Axmed Mayow Cabdalla (Kornel Ruush) oo Galabta ku Geeryooday Magalada Muqdisho

0
79

Alle ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Axmed Mayow Cabdalla (Kornel Ruush)

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo ka hadlay geeriyada xildhibaan Mayow ayaa sheegay in uu u geeriyooday xannuun soo food saaray.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa uga tacsiyeeyay Golaha Shacabka iyo Eheladii uu ka baxay xildhibaanka.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa xildhibaanada golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.