Xukuumada oo ku Guuleysatey Iney Kursiga Si Qasab ah ugu Fariisiso Cabdicasiis Lafta Gareen

1
39

Doorasho macmal ah ayaa gelinkii hore ee maanta ka dhacday magalada baydhabo taasoo lagu dooranaayey musharax dooran oo ay xukuumada dhabarka ku sidato.

Doorashadan ayaa qaadacay dhamaan odayaasha dhaqanka koonfur galbeed, inta badan xildhibaanada kasoo jeeda koonfur galbeed ha noqdeen kuwa aqalka sare iyo kuwa aqalka hoos, Waxaa kaloo qaadacay in doorashan ay goob joog ka ahaadaan beesha caalamka.

Xukuumada ayaa in mudo ahba wexey dadaal ugu jirtey iney kursigaas ku fariisiyaan musharaxa ay ayada rabtey taasoo ay cadaadis geliyeen dhamaan musharixiinta kale ee la tartameysay musharxooda ayadoo ay gaartey in lasoo xiro musharixii ugu cadcadaa inuu ku guleysto dorashada.

Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysay ee loo dooro ruuxiihogaamin lahaa koonfur galbeed 4 sano ka hor sidan oo kale waxaa loogu dooray Shariif Xasan intii kasoo horeysan waxaa deegaanada koonfur galbeed gacanta ku hayey kooxaha hada usoo dooraya ruuxii ka talin lahaa deegaanadaas.

1 COMMENT

  1. Sc.waa yaab lkn waxbaa inoo cadaadey ninkaan wadadaan u furey waa waa looga horeyey lkn wexey la’micno tahay Qabiil walba mar inuu daba’dhilif NOQDO ASOO MEEL KALE WAX KA FIIRINAAYO. HADABA EELAAY & LEYSAAN AYAA IN MUDO AH CADOWGA SOO HOGAAMINAAYEY CID KA QARSAN TAHAY MA JOOGO DUNIDAAN.
    D&M HADII MARBA CADOWGA QOFKII U SHAQEYNAAYO UU KEENSADO SHAQO AYUU QABANAYAA MARKII LAGA DANGAARANA MID KALE AYAA LA KEENAA WAJI CUSUB NACASKAAN IS CASILAAYEY KII 6 GOBOL DHULKA LAGALAY SOO MA’AHA NAXARIISTA XAGEEY UGA TIMID???. MARKA ADIGA ISKU DHUFO INTA QABIIL AY U KALA BAXAYAAN D&M MID WALBA MAALIN HADUU YIMAADO SANADAHA KU DHUFO WAA [ DOON ABUURIDI DAA’INSHE ME’EEDOW ] …

Comments are closed.