Dhegeyso: Maddaxweynaha Dalka Jabuuti oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadley Isbedelada Geeska Afrika

1
57

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada ka socda Geeska Afrika, isagoo ku taliyay in la dhawro dalalka gobolka, islamarkaana Umadda gobolka ay leeyihiin Ururo ka shaqeeya Isdhexgalka.

Madaxweyne Geelle waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo isbedellada ka socda gobolka, balse loo baahan yahay in isbedellada socda laga eego faa’iidooyin iyo wixii dibin-daabyo ah ee ku duugan.

Geelle ayaa xusay in dalalka Geeska Afrika ay leeyihiin urur ay ku mideysan yihiin loo yaqaanno IGAD, kaasoo oo guta xilka iskaashiga dalalka Gobolka, isagoo xusay in looga dambeeyo howlaha is-dhex-galka gobolka.

1 COMMENT

Comments are closed.