Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeeray Gudiga Joogtada ee Baarlamaanka

0
48

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka.

Kulanka ayaa lagu waddaa in uu dhaco galabta, waxaana diiradda lagu saari doonaa Dejinta Ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishaan.

Kulankaan deg deg ah ayaa kusoo beegmaya xilli Afartii Kulan ee ugu dambeysay ee golaha Shacabka uu baaqday.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la isku mari qodobo dhowr ah saameyna ku yeelan doonta siyasada dalka.