War Deg Deg ah Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Glabeed oo Bilaabay Inuu Qaraxyo Ka Fuliyo Magalada Baydhaba

0
44

Warar aynu kol dhaweyd ka helney magalada baydhaba ayaa sheegaya in halkaasi kol dhaweyd ka dhacay qarax bomka gacanta ah oo lagu tuuray guri ka mid ah guryaha magalada baydhaba, Qaraxaasi ayaa la sheegayaa in ay waxyeelo kasoo gaartey dad shacab ah.

Qaraxan ayaa kusooo beegmaya xili Laba maalmood ka hor wasiirka Amniga maamulka koonfur galbeed ee waqtigiisa dhamaadey uu wareysi siiyey idaacada ku hadasha afka dowlada, Wareysigaasi oo uu ku sheegay in magalada ay dhawaan ka dhaci doonaan amni xumo isla markana loo baahan yahay in amniga la sugo.

Wasiirka amniga ayaa qorshanaya inuu magalada baydhabo ka abuuro xasilooni daro si uu u isticmaalo ciidanka beryahan ay xukuumada kusoo daad gureyneysay gudaha magalada, Arintani ayaa ah arin ay shacabka ku nool magalada baydhaba ay ka digayeen maalmihii lasoo dhaafay taasoo magalada u horseedi karta in ay ka dhacaan dagaalo.

Magalada baydhabo ayaa ka mid ahayd magaalooyinka ugu degen dalka somaliya balse maalmahan dambe waxaa muuqata in ay faraha ka bixin doonaan xukuumada iyo musharaxa ay ku noolooneyso in ay halkaasi keensato si ay koonfur galbeed uga fushato wax alaale iyo wixii ay doonaan.

Wixii kale ee kasoo kordhaa qaraxaasi dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.