Dhegeyso: Maamulka Koonfur Galbeed ee Waqtigiisa Dhamaaday oo Dalbanaya Ciidamo Hor leh

0
50

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed ee waqtigiisa dhamaaday Cabdirisaaq Cabdi Aadan oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay u sii baahan tahay Ciidamo horleh si loo xaqiijiyo Guud ahaan Ammaanka Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Ciidamada ay ka qeyb qaadan doonaan suggitaanka Ammaanka goobta ay dhaceyso doorashadda iyo wafuuda Caalamiga ee Imaanaysa xilliga doorashadda Magaalada Baydhabo.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa nasoo gaaraya warar sheegaya in magalada muqdisho ay ka socdaan doodo badan oo ciidamadan dib loogu soo celin doono magalada muqdisho taasoo aan weli soo gabagaboobin.

Kuxigeenka-Amniga-Konfurgalbed