Dowlada Dhexe oo Maanta Magaalada Baydhabo Ka Dejisay 100 Askari

0
59

Diyaarad siday ku dhawaad 100 Askari ayaa maanta ka degtay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed sidda ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Diyaaradaan ayaa la sheegay in ay siday Ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Booliska Soomaaliyeed, ilaa iyo haddana lama Caddeyn sababta loo geeyay magaalada Baydhabo.

Dowladda dhexe ayaa horay loogu eedeeyay in ay Baydhabo geysay Ciidan iyo waliba lacag lagu taageerayo Mid ka mid ah Musharaxiinta Xilka Madaxtinimadda ee maamulka Koonfur Galbeed.

Xukuumada ayaa sheegtey in ciidamada ay ilaalin doonaan nabadgelyada inta doorashada socoto taasoo shacabka koonfur galbeed intiisa badan ay ku fasireen iney tahay arin wax kama jiraan ah isla markaana ay xukumada dooneyso iney juujuubto doorashada ka dhici doonta magalada baydhaba.