Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka oo Kala Direy Gudiga Dhaqaalaha |Baarlamanka

0
100

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa kala diray Guddiga Miisaaniyada, Maalliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka ee Golaha ayadoo Gudoonka uusoo dhisi doono guddi cusub.

Warqad uu ku saxiixnaa Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa lagu sheegay in lagu kala diray dhammaan xubnihii Guddiga Maaliyada Soomaaliya ee Golaha Shacabka.