Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Sheegay In Lacagaha Qaar Aaney Kusoo Dhicin Bangiga Dhexe

0
42

Wasiirka Wasaarrada Maaliyada xukukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta tagay xarunta Golaha Shacabka ayaa iska difaacay eedeyntii ay dhawaanta soo jeediyeen guddiga Maaliyada.

Wasiirka ayaa sheegay in lacag 50 milyan ah oo uu Sacuudigu soo dhiibay aysan ku soo dhicin Bankiga dhexe isaga oo intaa ku daray in lacagtaa ku dhacday Banki ku yaalla Turkiga, halkaasoo uu xusay in laga maamulay.

Wasiirka ayaa dhinaca kale shegay in ay u dhacday lacagihii shaqaalaha, sidoo kalena aysan Imaaraadka ka imaan lacagtii laga sugayay ee ay ugu tala gashay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda in ay ku heystaan inuu u fuliyo mashruuc, isagoo warbixinta ku tilmaamay mid mala awaal ah.

Warbixinta gudiga Maaliya ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ka dhalatay dood adag oo ay ku kala aragti duanyihiin xildhibaanada Golaha waxa ayna xukuumada ku tahay dhabar jab weyn.