Maddaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Magalada Istambuul Kulan kula Qaatay Maddaxweynaha Dalka Turkiga

0
107

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah magaalada istambuul kula qaatay maddaxweynaha dalka turkiga Rajab Dayib Ordogaan kulankaas oo looga wada hadlayey xoojinta iskaashig iyo wadajirka labada wadan.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.