Mareykanka oo Kordhiyey Duqeymaha ey Kula Beegsanayaan Ciidamada Alshabab

0
33

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarrada xagga cirka ee ay ku bartilmaameedaadaan fariisimaha Al Shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen madaafiic dhowr ah oo lala dhacay meelo la rumeysan yahay in ay ku suganyihiin Al Shabaab, iyadoo aan wali la xaqiijinin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan ugu dambeeyay.

Shalay ayey taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika sheegeen in ay 37 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab ku dileen duqeymo darraad lala beegsaday isla fariisimahan xalay la weeraray.

Bishii Octoober ee la soo dhaafay ayey milatariga Mareykanka sheegeen in ciidankooda ka howl gala Soomaaliya ay duqeyn la qorsheeyay ku dileen ilaa 60 qof oo ahaa dhallinyaro ay Al Shabaab qoratay oo ku jiray xero tababar.

Bayaan ay dhawaan soo saareen taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsado Al Shabaab ay yareeyaan dhaqdhaqaaqyada kooxdaas iyo weerarrada ay damacsan yihiin.