Baarlamaanka Federaalka oo Maanta Soo Gabgabeeyey Aqrinta Wax Ka Bedelka Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka

0
29

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay wax ka bedelka hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Hindise sharciyeedkan ayaa soo maray heerar kala duwan sida aqrinta 1-aad, aqrinta 2-aad, iyo aqrinta 3-aad Inta uu maraayay heerarkaas ayaa xildhibaanada waxay ku dareen talooyinkooda iyo soo jeedino la xiriira meelaha in laga bedelo u baahan xeerkan.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise sharciyeedkan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in maalinta sabtida cod loo qaadayo hindise sharciyeedkan.