Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay gobolka Geeska Afrika inuu sii yeelan doonin saddex madaxwayne, isagoo ka hadlayay khudbad uu ka jeedinayay Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Bahardar ee gobolka Amxaarada, iyadoo ay dhinac taagan yihiin madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya, sida laga soo xigtay Eritrean Press (EP).
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kuma soo darin hadalkiisa goorta loo cayimay inay midoowaan dalalkan, balse waxaa uu kusoo koobay mustaqbalka.
Madaxwaynaha Eriteriya Isais Afwerki, madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Dr Abey ayaa booqday magaalada Gondar oo uu ku aasan yahay madaxwaynaha Eriteriya awoowgiisa, saddexda hoggaamiye ayaa kulan saddex geesood ah oo ay yeesheen waxaa ay uga hadleen dhaqaalaha, isdhexgalka siyaasadda Geeska Afrika iyo heshiiskii Asmara ay horay ugu soo saxiixdeen.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wargayska uu kasoo xigtay khudbad uu ka jeediyay magaalada Gondar in taariikhda Geeska Afrika ay isbadashay.
