Musharaxiinta isbadal doonka ee u tartamaya xilka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed Saoomaaliya ayaa xalay waxa ay kulamo la qaateen sii hayaha gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheekunaa Maye.
Musharaxiinta isbedel doonka ah ayaa ha musharixiinta aan gacansaarka la laheyn xukuumada federaalka, Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayey sida ugu haboon iyo waqtiga ugu haboon ee la qaban karo doorashada.
Kulankaasi ayaa waxaa kaloo la isugula soo qaaday sida ay lagama maarmana u tahay in musuqmaasuqa laga ilaaliyo doorashooyinka isla markaana laga wada shaqeeeyo danaha shacabka koonfur galbeed.
Kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey oo ay wada yeeshaan musharuixiinta isbedel doonta iyo gudoomiyaha baarlamaanka maamulka koonfur galbeed sida la sheegayna waxaa uu ku dhamaaday is afgad iyo iney si wadajir uga wada shaqeeyaan sdoorashada sidii ay ugu dhi laheyd rabsho la,aan.
