Dowlada Mareykanka oo Soo Dhaweysay Doorashooyinka Dhawaan Ka Dhici Doona Magalada Bydhaba

0
45

War qoraal ah oo lagu qoray twitterka safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegaya iney taageersan yihiin doorashada la filaayo iney dhawaan ka dhacdo Magalada Baydhaba.

Mareykanka ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhawaan la Magacaabay iyo Xubnaha ka mid ah.

Sidoo kale Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in 17 Bisha November ay doorashada u dhacdo si wanaagsan oo lagu kalsoonaan karo taas oo ka turjumeysa codka shacabka deegaanada Koonfur Galbeed wuxuu kaloo meesha ka saareen in ay dhankooda uu jiro shaqsi ay taageerayaan.

Magaalada baydhaba ayaa haatan waxaa ka socdo olole aad u weyn ololahaasi oo u dhexeeya seddex qeybood oo kala ah:- Shariif Xasan, Laba musharax oo dowlada gacan saar la leh iyo kooxda la magac baxday isbedel doonka oo ka kooban in ka badan 10 xildhibaan.