Xog Reysulwasaare Kheyre oo ku Handaday Wasiirka Gaashaandhiga inuu Taageero Musharixiinta Dowlada Hadii Kale Xilka Weyn Doono.

0
24

Xog aynu ka helney magalada muqdisho ayaa sheegeysa in Reysulwasaaraha xukumada federaalka Xasan Ali Kheyre uu ku handadey wasiirka gaashaandhiga Xasan Cali Mohamed (Amardambe) in uu sida ugu dhaqsiyaha badan inta uu baydhabo ku tago isla markana taageero buuxdo la garab istaago musharaxiinta xukuumada ay wadato.

Wasiirka gaashaandhiga oo ka jawaabaaya dalabka Reysulwasaaraha ayaa shaleyto ka dhex muuqday xaflad uu sameystay musharax Cabdi casiis Rafta gareen oo ka mid ah musharixiinta ay xukuumada taageersan tahay ayna rabto in ay ku bedesho Shariif Xasan, wasiirka oo xafladaasi ka hadley ayaa sheegay inuu taageersan yahay musharaxa isla markaana la shaqeyn doono.

Dhinaca kale waxaa jira warar kaloo sheeagaya in wasiir ku xigeeno ka tirsan xukumada kheyre isla markaana ah xilhdibano ka tirsan dowlada federaalka ayagana lagu soo amray iney u ololeeyaan musharaxiriinta ay xukuumada taageereyo. xildhibaanadaas ayaa shaleyto ayagana ka dhex muuqday xaflada musharax Cabdicasiis Lafta Gareen.

Reysulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa faragelin weyn ku haya doorashooyinka ka dhici doona magalada baydhaba 17 bisha novembar 2018 waxaana ay aaminsan yihiin in siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka koonfur galbeed aysan eheyn dad qadiyad leh isla markaana waxoogaa shilimaad ah lagu iibsan karo qadiyadooda.

Hadaba Xildlhibaanada maamulka koonfur galbeed ee dooran doona qofka noqonaya masuullka ugu sareeya ee maamulka koonfur galbeed ayagaa looga fadhiyaa iney codkooda ugu hiiliyaan qofka ay u arkaan inuu ka shaqeyn doono sharafta iyo masiirka shacabka konfur galbeed iyo deegaanadooda, isla markana fariin adag iney diraan dowlada dhexe iyo kuwa boorsadaha lacagta loogu soo shubay si aysan mar dambe ugu soo hungoon iney faraha lasoo galaan masiirka umada reer koonfur galbeed.