Maamulka Hirshabeele oo Ka Horyimid Qorshaha La Rabo in Lagu Balaariyo Gobolka Banaadir

0
41

Maamul-gobolleedka Hirshabeelle ayaa cabasho ka dhan ah maamulka gobolka Banaadir u gudbiyay Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Maamulka wuxuu ka horyimid qorshaha lugu doonayo caasimadda Muqdisho in lugu hoos-keeno labada Wabi ee Afgooye iyo Balcad, arrinta oo qayb ka ah qorshaha ballaarinta.

Afhayeenka dowlad-gobolleedka Hirshabeelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay qorshahan inuu ka hor imaanayo dastuurka Hirshabeelle, si arrinta looga hortagana ay u gudbiyeen Aqalka sare cabashadooda.

Hadalka maamulka hirshabeele ayaa kusoo beegmaya kadib kolkii oo soo if baxay Qorshaha lagu ballaariyo gobolka banaadir.